Guddiga doorashadda baarlamaanka HirShabelle oo la magacaabay

Image
Image
Image

JOWHAR, Baydhabo - Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle oo Sabtida maanta ah lagu dhaariyey xaruntooda magaaladda Jowhar ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u xushay afhayeen ku meelgaar ah.

Mudanahaan oo la tilmaamay in uu yahay xubinta ugu da'da weyn waxaa uu xilka sii hayn doonaa inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah.

Dhanka kale, sii-haayaa gudoomiyaha Golaha oo qoraalkii ugu horeeyay soo saarey ayaa wuxuu magacaabay Guddiga Doorashada Golaha Wakiiiladda.

Xildhibaanada cusub oo cod u qaadey magacaabida guddiga ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnahaan ay tiradoodu gaareyso sagaal.

Guddiga ayaa lagu waddaa in ay muddeeyaan doorashooyinka guddoonka iyo madaxweynaha oo si weyn isha ugu hayaan daneeyeyaasha.

Villa Soomaaliya ayaa quudareyneysa in ay saameyn ku yeelato doorashadda ayna soo xulato mas'uuliyiinta u adeegaya danaheeda gaarka ah.

Sharci-dejiyeyaasha cusub oo hanaanka ay kusoo baxeen dood xoogan ay ka taagan tahay ayaa isugu jira xubno sirdoon, shaqaale dowladeed iyo wariyeyaal caan ka ahaa warbaahinta magaala madaxda dalka Muqdisho.

Magacyadda xubnaha guddiga doorashada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM