Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo la magacaabey

Image

CADAADO 29 June,2015 (GO)- Kulan maanta magaalada Cadaado isigu yimaadeen Barlamanka Galmudug ayaa ansaxiyey xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaas oo dhici doonta 4 July,2015.

Fadhiga Barlamankaan oo uu shir-gudoomanyey Gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiilada ayaa  waxaa soo xaadirey xildhibaano gaaraya 77 xubnood kuwasoo maalintii shaley doortey afhayeenka iyo labadiisa ku-xigeen.

Magacyada guddiga doorashada oo cod loo qaadey ayaa waxaa ansaxiyey 73 xildhibaan halka ay ka aamuseen 3 xubnood.

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa ay ka koobnaan doonaan 9 xubnood oo ay ku jiraan ku jiraan Gudoomiye iyo Xogahaye.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maamlimihii lasoo dhaafey waxaa ka socdey mudahraadyo looga soo horjeedo maamulka cusub ee Galmudug iyo dowlada Federaalka oo buddhiga u ah dhismaha maamulkaas.

Shirweynaha uga socdey magaalada Cadaado beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ayaa ansaxiyey  Dastuurka maamulkaan taasoo dhalisay muran balaaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM