​Guddiga Doorashada oo billaabay bixinta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaanada

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Federaalka Hergelinta Doorashooyinka Dadban ee Somalia ayaa billaabay bixinta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaanimo, ee lasiinayo mudanayaasha dhawaan la doortay.

War Saxaafadeed uu soo saarey Gudiga Doorashada ayaa lagu wargeliyay dhamaan Xildhibaanada cusub inay Kaararka Aqoonsiga ka qaadan karaan xarunta Villa Hargeysa ee ku taalla magaalada Muqdishu.

Guddiga waxa uu hoosta ka xariiqay in Xildhibaanada Dacawada ka taallo, ee Kursigooda la isku haysto aysan siin doonin Aqoonsiga Xildhibaanimo. Xubnaha Aqalka sare ayaa billaabay inay qaataan ID-cards.

Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub, ee isagu jiro Aqalada Sare iyo Hoose ayaa la filayaa inay 15-ka lagu dhaariyo magaalada Muqdishu, waxaana ay dooran doonaan Afhayeen22-ka December.

Xildhibaano ka socdo maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa maanta inay yimaadaan magaalada Muqdishu, si ay u qaataan kaararka iyo shahaadooyinka Aqoonsigooda.

Xubanaha Somaliland uga haray Aqalka hoose ayaa maanta lagu dooranayaa Muqdishu, waa maamulkii ugu dambeeyay oo u harsan doorashada Aqalada Hoose iyo Sare ee Baaralamaanka faderaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM