Guddiga doorashada oo qaadacay "guusha" Fahad Yaasiin Daahir

Image
Sidoo kale, guddiga ayaa si horudhac ah u aqoonsadey shanta kursi kale ee shalay lagu doortey Beledwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku gacan sayray natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Farmaajo Fahad Yaasiin Daahir ka dib codayn ka dhacday Xarunta gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Guddiga oo qoraal ku daabacay bartooda rasmiga ah ee Facebook ayaa shaaciyay natiijada horudhaca ah ee doorashada 5 ka mid ah kuraastii shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee deegaan doorashada 2-aad ee Hirshabelle, ayaga oo ka reebay kursigii 6-aad ee HOP#086 kaas oo uu ku soo baxay Agaasimihii hore ee NISA.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.

Shanta kursi ee guddiga ay sida horudhac ah u aqoonsadeen ayaa waxaa kusoo baxay:

1- HOP#015: Xiis Xasan Aadan

2- HOP#008: Maxamed Deeq X.Cumar

3- HOP#274: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux)

4- HOP#109: Cabdifataax Qaasim Maxamuud

5- HOP#074: Cabdikariim Cumar Xuseen

Go’aanka guddiga ayaa haddii aanay waxba iska beddelin, waxay Fahad Yaasiin oo xildhibaan ku noqday magaca Fahad Daahir Axmed, ka hor istaagi doontaa shahaadada kama dambeysta ah ee xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga doorashada heer Dowlad-goboleed ee Hirshabeelle ayaa horey ugu gacan sayray qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal, oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, kadibna shalay qabtay balse tan ayaa saamayn karta doonista Fahad ee gudoomiye ku xigeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM