​Guddiga doorashooyinka oo diiday Natiijada wasiir la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashooyinka heer Federaal, ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan, wasiir si sharci darro ah loogu doortay magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, kaasoo horay looga joojiyay inuu kamid noqdo ragga u tartamaya kursiga beesha Jidle.

Wasiirkii hore dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo lagu eedaynayay inuu ka dambeeyay fowdo dabayaaqadii bishii hore ka dhacday goobta lagusoo xulo xubnaha Aqalka hoose ku yeeshay maamulkaas, ayaa laga reebay tartanka.

Balse, Guddiga doorashooyinka ee maamulka Hir-Shabeelle, ayaa shalay u qabtay doorasho qarsoodi ah oo xilli hore subaxnimadii Sabtida la qabtay isagoo kusoo baxay cod Aqlabiyad leh.

Tallaabadaas, ayaa keentay in guddi doorashooyinka heer Federaal mar kale soo saaraan go'aan lagu naqdinayo natiijadaas, waxaana Wabarka beesha Jidle lagu amray inuu soo xulo Ergo cusub iyadoo gabi ahaanba la mamnuucay in mas'uulkaasi tartan u galo Kursiga beeshaasi.

Doorashada Aqalka hoose ee kasocota xarumaha maamul goboleedyada Somalia, ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo fowdo iyadoo kiisas kala duwan ka dhaceen magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM