Guddiga Doorashooyinka oo lagu eedeeyay in ardayda Muqdisho ku qasbayo doorasho hal dhinac ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Federaalka ee lagu muransan yahay in ay cadaadis saareen ardayda iyo xarumaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho si ay uga qaybqaataan geeddi-socod doorasho oo uu xisbigu ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aan lagu heshiin.

Qoraal xisbiga kasoo baxay Isniintii ayaa lagu sheegay in Himilo Qaran ay garab taagan tahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorasho xor ah, xalaal ah oo loo dhan yahay, balse aysan aqbali doonin in diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu saleeyo qasbitaan ama marin habaabin.

"Muwaadiniinta looma qasbi karo inay ka qaybgalaan hannaan doorasho oo aan loo dhamayn. Cadaadiska lagu saarayo ardayda iyo xarumaha waxbarashada waa mid lid ku ah mabda’a dimuqraadiyadda,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga.

Xisbiga ayaa uga digay Guddiga Doorashooyinka Federaalka in ay joojiyaan waxa ay ku sifeeyeen “cadaadis siyaasadeed” oo lagu hayo bulshada waxbarashada, isagoo sidoo kale ugu baaqay jaamacadaha iyo dugsiyada madaxa bannaan inaysan ka qaybqaadan habraaca doorasho ee uu muranku ka taagan yahay.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale xustay in muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee hadda jira uu gabaabsi yahay, waxayna ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka inay mudnaanta siiyaan hannaanka doorasho ee ay Soomaalidu ku heshiin karaan, si looga fogaado xiisado siyaasadeed iyo hubanti la’aan sii kordhaysa.

Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka xisbiyada mucaaradka, waxaana horay u hadlay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna ku eedeeyay dowladda inay isku deyeyso inay mariso doorasho aan loo dhanayn oo aysan jirin wax heshiis qaran ah oo lagu saleeyay.

Ilaa iyo hadda, Guddiga Doorashooyinka Federaalka kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyay.

Xiisaddan cusub ayaa markale muujinaysa kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo dowladda federaalka, taas oo walaac ka abuurtay hufnaanta, sharciyadda iyo midnimada qaran ee marxaladda doorashada la filayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM