Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo eedeyn xoogan loo jeediyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in aysan ku cadaadin madaxda dowladda federaalka ah in sameystaan xisbi, taas bedelkeedna ay ku riixaan mucaaradka.

Dhaleeceynta waxaa soo jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga kasoo horjeeda Nabad iyo Nolol ee Wadajir.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay diidan tahay "doorka xisbiyada ee dowladnimadda".

"Dowladdii la rabay in ay xisbiyadda xoojiso horta xisbi ma sameysatay? maalintaan dhageysano madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha ama ku xigeenadiisa waxay ku hayaan xisbi weynaa soo wadnaa…waqtigiina waa dhamaadey," ayuu u sheegay Universal Tv.

Wuxuu raaciyey: "Guddigii doorashadana wuxuu maalin kasta eed ula fadhiyaa xisbiyadda, hal maalin ma sheegayo in ay dowladdu gaabisay, dowladda in ay xisbi sameysan ku eedi maayo…dowladda in ay xisbiyo taageerayso ku eedi maayaan".

Beesha caalamka oo kaalin weyn ku leh arrimaha Soomaaliya ayuu xusay in aysan "diyaar u ahayn" in la xoojiyo xisbiyadda maadaama nidaamka xisbiyadda uu curdan yahay una baahan yahay in la xoojiyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, siyaasiga ayaa sidoo kale saaxiibada caalamka ku dhaliilay in aysan u arkin xisbiyada saamileyda siyaasadeed ee waddanka "iskana indhatiraan baahida loo qabo in la kabo".

Ugu dambeyntii, guddiga doorashooyinka ayuu ku waaniyey in ay xisbiyadda ka joojiyaan eedeynta, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin is-diiwaan-gelinta labaad maadaama tii horey ay mareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM