Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Gollaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid heshiis shidaal iyo gaas ah oo lala galay dowladda Turkiga, kaddib markii dukumeenti sir ah oo la helay muujiyay in Turkiga la siiyay 90% dakhliga Gaaska iyo Saliida laga soo saaro xeebaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa heshiiskaas qarsoodiga ah u saxiixday Turkiga sanadkii hore horaantiisa, waxaana Soomaaliya ku helaysa keliya 5% dhaqaalaha, arrintaas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan madaxbannaanida dalka.

Guddigu waxa uu sheegay in Baarlamaanka aan laga war gelin kahor inta aan heshiiska la saxiixin, isla markaana uu heshiiskaasi baal marsan yahay xeerarka iyo dastuurka dalka. Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga dhiidhinaya heshiiska, iyagoo su'aalo badan iska weydiinaya daahfurnaanta iyo danta dalka ugu jirto mar hadii Turkiga uu qaadanayo 90% wax ka badan. Waxay noqotay arin lala yaabey, oo hadal-deyn badan iyo doodo abuurtay.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM