Guddiga lagu muransan oo xubno u diray Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga lagu muransan-yahay ee doorashooyinka sanadka 2020-21 ayaa 12 xubnood wuxuu Talaadada maanta ah u diray Baydhabo, caasimadda ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Sidda ay wararku sheegayaan, xubnahaas ayaa dejiyey Xarunta Madaxtooyadda dowlad goboleedkan uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in maamulka Laftagareen uu ku fekerayo in uu bilaabo xulista xubnaha ku metela Aqalka Sare ee baarlamanaka federaalka iyadda oo khilaaf ka jiro fulinta heshiiskii doorasho ee September.

Fahfaahinadda qaar ayaa tilmaamaya in uu jiro is-afgarad dhexmaray Laftagareen iyo Villa Soomaalia kaasoo ku saabsan in uu bilaabo doorashadda.

Laftagareen ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, waxaa loo fuliyey balanqaadkaas oo ah in uu soo xusho laba xubnood oo dowlada xil laga siiyo.

"Xoghayaha joogtada xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Sarre ee dhowaan isbedelka lagu sameeyay ayaa ku yimid dalabka Laftagareen oo soo xushay xubnaha cusub ee la magacaabay," ayay sheegeen illo wareedyadda kala duwan oo ka waramay heshiiskan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olole xoogan ugu jira in Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ay bilaabaan xulista Xildhibaanada isaga oo aaminsan in uu ka maarmo maamulada mucaaradsan ee Puntland iyo Jubaland.

Puntland iyo Jubaland ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha doorasho ee maamulka Farmaajo, waxaana ay diidan yihiin xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn ee ku jira guddiga iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM