Guddiga la isku hayo oo dalbaday in la bilaabo doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga lagu muransan yahay oo Maamul Goboleedyada ka dalbaday inay bilaabaan diiwaangelinta Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee BF.

Baaqa gudiga ayaa yimid kadib markii jadwalkii lasoo saarey uu ku ekaa shalay, iyadoo ay muuqato in Maamullada diyaar u ahayn qabashadda doorasho la isku khilaafsan yahay.

Jadwalka ayaa dhigaya in doorashadda Aqalka Sare ay billaabato 31-ka bishaan, islamarkaana ay socoto illaa 6-da January 2021.

Sidoo kale, maamullada qaar sida Jubaland iyo Puntland ayaanan aqoonsanayn Gudiga, oo dhismihiisa aan loo marin hanaan sharci ah, oo la isku waafaqsan yahay.

Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa u dhaxeeya khilaaf xooggan oo ku sabaansan maamulka iyo maareynta doorashooyinka, iyadoo lagu eedeeyay Villa Soomaaliya inay musuq-maasuqday hanaanka doorashadda.

Musharxiinta mucaaradka ayaa sheegay in gudiga ay ku jiraan xubno katirsan NISA, shaqaalaha dowladda iyo dhalinyaro daacad u ah Farmaajo, oo Social Media ka taageeri jiray.

GAROWE ONLIEN

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM