Guddiga Soomaaliya ee kiiska badda oo u duulay Hague

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddi la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaadey u xil-saartay dhageysiga dacwadda badda ayaa maanta ka duulay garoonka Aadan Cadde.

Sii-haayaha ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa horkacaya guddigan oo uu qeyb ka yahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Suleymaani Maxamed Maxamuud.

Socdaalka wafdigan ayaa kusii  jeeda magaaladda The Hague oo ay ka tirsan waddanka Holland halkaasoo ay ku taalo xarunta maxkamadda kiiskan qaadeysa ee ICJ.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa intaas ku dartay in xubnaha guddiga ay kamid yihiin shaqsiyaad kale "oo ku xeel-dheer arrimaha sharciga". Balse, ma aysan soo bandhigin magacyadda.

Khadar oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo ka dhacay gudaha madaarka Aadan Cadde ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda haddana ah ergay gaar ah.

Xeer-ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay guddigan oo shacabka Soomaaliyeed waydiistay garab-istaag iyo duco.

Ku xigeenka wasiirka koowaad ee xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa sheegay in Soomaaliya ay "rajo wanaagsan" ka qabto in ay "guul taariikhi ah" kasoo heli doonto fadhiga dhageysiga gal-dacwadeedkan badeed.

Kenya ayuu ku eedeeyay in tan iyo bilowgii kiiskan oo ah sanadkii 2014-kii ay ku doodeyso in dooda lagu xaliyo meel ka baxsan xeerbeegtadda. Dalabkaas waxaa ku gacan-seyrtay Muqdisho.

Dhageysiga oo ah fadhigii ugu dambeeyay oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ka yeelatay dacwadda badda ayaa bilaaban doona 15-ka bishaan Maajo, wuxuuna dhamaan doonaa 19-ka isla bishaan aan ku jirno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM