Guddiga xeer hoosaadka Barlamanka DFS oo kulan u furmey

Image
Image
Image

KAMPALA, March 3,2015- Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin ka socotay hay'adda tababarkan taaba gelineysa ee AWEPA.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo faah faahin ka bixiyey aqoon kororsiga magaalada Kampala uga furmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka ayaa tilmaamay in Xeer Hoosaadka uu yahay furaha Baarlamaanka islamarkaana mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyo ayadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii lasoo dhaafay islamarkaana mudada uu tababarkan socdo ee u dhaxeysa 03-07March ay guddigu diiradda saari doonaan qodobbada wax ka bedelka u baahan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

----DHAMMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM