Guddiyo ka socda DF iyo maamulada oo kulmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddi farsamo oo ka kala socda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa la sheegay in ay maanta ku kulmayaan magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, dhinac kasta waxaa guddiyadda ku metelaya min laba xubnood, iyaga oo diiradda saaraya xal u helida qodobada khilaafku ka taagan yahay ee heshiiskii 17-kii September, 2020-kii.

"Marka ay guddiyadda farsamo isla meeldhigaan xalka qodobadda la isku hayo, waxay la waraagi doonan madaxda ka sareysa kuwaas oo markii ay isla aqbalaan isugu imaan doona munaasabad lagu saxiixo," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda arrintaan oo khadka telefoonka ugu waramay GO.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in wakiiladda Beesha Caalamka ay fududeeyeen shirkaas isla markaana dusha kala socon doonan guud ahaan mudada uu wadahadalkaas u socda guddiyada farsamo.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu waramay in guddiyada uu xubno ku leeyahay wallow ajandaha uu yahay mid aanan khuseyn.

Qodobadda la isku hayo ee kasoo noqdey heshiiskii 17-kii September ayaa kala ah; guddiyadda maamulaya coddeynta, ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo iyo xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

Kulanka guddiyaddan ayaa imaanaya xilli kulankii madaxweyne Farmaajo iclaamiyey in uu qabsoomo 15-kii Febraayo in uu ka dhaco caasimada Puntland ee Garowe ay maalin naga xigta una muuqdo mid fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM