Guddiyo lagu dhisay shirkii Rooble iyo Musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada banaanbaxa nabadeed ee musharaxiinta iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista Dhacdadii 19-kii Febraayo, sidda ku xusan qodobada kasoo baxay shirkii dhinacyada ku dhexmaray Hotel Decale.

Xubnaha guddiyaddan oo min lix xubnood ah waxaa min saddex ku kala leh Musharaxiinta Mucaaradka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo waqtiga ka dhamaadey.

Xubnaha guddiga qabanqaabada banaanbaxa waa;

Xasan Xundubey Jimcaale, sii-haayaha wasiirka amniga

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], guddoomiyaha gobolka Banaadir

Cabdiraxmaan Al-cadaala, wasiir ku xigeenka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxwayne

Daahir Maxamuud Geelle, musharax madaxwayne

Mustaf Dhuxulow, musharax madaxwayne

Xubnaha Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista Dhacdadii 19-kii Febraayo

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac

Maxamed Cabdiqaadir Xaaji

Cabdiraxmaan Tuuryare

Jeneraal Bariise

Gaashaanle Dhexe Yaasiin Xaaji

Xuseen Macalin Maxamed

Sidda ku xusan wareegtadda lagu magacaaay guddigan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, xubnahaan ayaa lagu magacaabo soojeedin ka timid madaxda ka qeybgashay wadaxaajoodyadda oo saacado badan qaatay.

Isaga oo dhamaadka shirka la hadlaya warbaahinta, Xasan Xundubey sii-haayaha wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa shaaca ka dhigay in doorka xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ee mudaahaaraadka uu yahay in ay kaliya sugto xasiloonida.

Mr Xundubey ayaa carabka ku adkeeyay in ay rajeynayaan in shirarka soo aadan ay kaga doodi doonan goorta iyo qaabka farsmo ahaan u qabsoomi doono banaanbaxa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka dhigay in banaanbaxa soo aadan ee Musharaxiinta Madaxtinimada uu qabsoomayo maalinta Sabtida ee asbuuca dambe oo taariikhda ku beegan tahay 6-da bisha Maaj isla markaana kahor si gaar ah Khamiista uu jiri dooni shir kale "oo aan ku dhameystiri doono howlaha inoo harsan".

Is-afgaradka dhexmaray Musharaxiinta iyo Mucaaradka ayaa meesha wuxuu ka saarayaa baqdinta laga qabay in mudaaharaadka uu noqdo mid rabshado wato isla markaana dowladda uu waqtiga ka dhamaadey ay isku daydo in ay xoog ku baajiso taasoo dhabaha u xaari kartay isku-dhac sidda dhacdey 19-kii Febraayo oo haatan noqotaya ajande miiska wadahadalka looga doodo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM