​Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo Weerar lagu dhaawacay

Image

JOWHAR, Somalia- Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee maamulka gobolka Hiiraan Maxa'ed Cabdulle Fiidow ayaa lagu dhaawacay weerar ka dhacay duleedka degmada Jowhar.

Isagoo ka hadlayay weerarka, Gudoomiye Maxa'ed Cabdulle ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu kasoo gaarey rasaas ay Al shabaab ku fureen gaarigiisa xilli uu marayay nawaaxiga deegaanka Ceel-Baraf.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in mid kamid ah ilaaladiisa iyo labo katirsana Kooxda Al shabaab lagu dilay weerarka, saddex kalena lagu dhaawacay.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda khasaarahaasi.

Uururkan ayaa inta badan weeraro noocan ah ku qaada Kolonyada gaadiidka ee ciidamada SNA iyo kuwa AMISOM marka ay ku safrayaan wadooyinka gobolada Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM