Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo shaqada laga fariisiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ee Somalia Dr. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Maanta Shaqadii looga joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur.

Tallaabadan ayaa loo cuskaday eedo la sheegay inay yaallaan maxkamadda iyo sidoo kale inuusan Guddoomiyuhu uusan si toos ah ugu lug lahayn howlaha socda.

Ma jirto muddo waraaqda lagu caddeeyay oo shaqada uu ka maqnaanayo Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin kala dambayn dhinaca garsoorka ah oo ka jirta gobolka, taasoo keentay in muddo badan xabsiga lagu hayo maxaabiis kala duwan.

Go'aanka ayaa la sheegay in lagu saxayo arrimaha cadaaladda ee Banaadir ka jirta.

Shaqo joojinta ayaa timid xilli maxaabiis aad u tiro badan oo howl gallo lagusoo qabto lagu hayo xabsiyada gobolka Banaadir gaar ahaan caasumadda Somalia.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolku kama uusan hadlin sida uu u arko tallaabada uu qaaday Mudane Iidle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM