Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo magacaabay guddi doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magacaabay guddi maamulaya doorashada wakiiladda Somaliland.

Magacaabida Xaashi ayaa kusoo hagaageysa xilli xukuumadda ay horey u soo saartey guddi ay ka banaanbaxeen murashaxiinta isla markaana sheegeen in lagu daray xubo aan dhex ahayn.

Guddiga uu magacaabay Senator Xaashi oo xubnihiisa ka kooban yihiin sideed xubnood ayaa waxaa ka dhiman saddex kale oo ay tahay in ay soo xulato dowladda, sidda heshiiska doorasho dhigayo.

Senator Xaashi oo kamid ah dhinacyadda qaadacay guddiga ay soo dhistay dowladda ayaa doodiisu ku saleysan tahay in uu isagu soo magacaabayo ama ugu yaraan uu talo ku yeesho xubnaha.

Dooda ku saabsan guddiyadda ayaa horey dib-u-dhigtay jadwalkii coddeynta ee xeerinayey in xulista Xildhibaanadda baarlamaanka 10aad ay bilaabto 1-da November ee sanadkan 2020-ka.

Murashaxiinta isbedel doonka ah oo ku shirsan Muqdisho ayaa la filayaa in ay go'aano soo saaraan maalmaha soo aadan, waxaana kamid ah bayaankooda in guddiyada ay talo ku yeeshaan.

Maadaama xukuumadda horey u diidey in ay bedesho xubnaha laga hor-yimid ayna howlgelisay iyaddoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, waxaa laga cabsi qabaa in laba doorasho ay dhacdo.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha guddiga Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM