Guddoomiye isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha degmadda Yaqshid, Axmed Cabdullaahi Cariid, ayaa ka badbaadey qarax miino oo lagula eegtey aagga Daaru Salaam ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka amniga ah.

Cariif oo aan wali ka hadlin isku-dayga khaarijin ee uu ka badbaadey ayaa la sheegay in uu la socdey kolanyo galbineysay gaadiid ay ku wehliyeen saraakiil iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya.

Goobjoogeyaal u waramay warsidaha Garowe Online ayaa daaha ka rogay in uu jiro khasaaro naf iyo maal oo soo gaarey gaari ay la socdeen mas'uuliyiinta.

"Qaraxa dhawaqiisa wuxuu ahaa mid aad u xooggan. Miinada waxay ahayd nooca boodada ah. Waxyeeladda uu sababay si rasmi ah looma caddeyn karo," ayuu yiri goobjooge Maxamed Nuur oo kamid ah dadka degaanka.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaaacidda ayaa aalaaba looga bartey weerarada noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Aroornimadii saaka ayay ahayd markii qarax miino oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim lala eegtay taliye ku xigeenka ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Cabbaas Amiin.

Weeraradan is-daba-joogga ah ayaa kusoo aadaya xilli hardanka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho kuna qotoma khilaafka doorashooyinka uu cirka isku-sii-shareerah isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo aad u buuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM