Guddoomiyihii degmada Jannaale oo weerar qorsheysan lagu diley [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa xalay toogasho ku diley guddoomiyihii degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, Cabdiqaadir Ibraahim Sheekh Cali iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Weerarka ayaa dhacay abbaare lixdii saac ee habeenimo, waxaana fuliyey ugu yaraan saddex nin oo  wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa qoryaha daran-doorriga u dhaca, kuwaas oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday guriga guddoomiyaha.

Ciidamada booliska ee degmada iyo ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM ayaa goobta soo gaarey daqiiqado kadib, haseyeeshee uma suurtogelin inay gacanta kusoo dhigaan kuwii dilka geystey.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka guddoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM