Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweynaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar Dabo-geed.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga xayuubiyay.

Madaxweynaha maamulkaasi, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa warbaahinta magaalada Jowhar ugu sheegay in booskaas si KMG ah ugu dhiibay Cali Jayte Cismaan.

Cosoble, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddi la sheegay inay ka shaqayn doonaan ammaanka gobolka Hiiraan, waxaana isugu jiraan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia.

Xubnaha la magacaabay, ayaa kala ah;

    S/guuto Cumar Aadan Dhabad

    G/Sare Tawane Axmed Muxumad

    G/sare Isaaq Cali Cabdulle

    G/sare Isaaq Cismaan Idiris

    G/sare Axmed Cabdi Weheliye

    G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle

    Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Madaxweynuhu ma faah faahin sababta keentay in Guddigan loo magacaabo gobolka Hiiraan. Balse, arrintan ayaa imaanaysa xilli maalintii shalay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM