Guddoomiyihii xuquuqul insaanka Somaliland oo Hargeysa lagu xirey

Image

April 18, 2015 (GO)- Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Hay'adda Xuquuqul Insaanka Somaliland, Guuleed Axmed Jaamac.

Amarka lagu xirey Guuleed Jaamac waxaa lagu soo warramayaa inuu bixiyey guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa.

Mas'uulkan oo la hadlay VOA-da isagoo ku xiran xarunta laanta dambi baarista ee CID  ayaa sheegay in sababta loo xirey tahay waraysi uu siiyey idaacadda BBC, kuna saabsanaa xukun qisaas ah oo todobaadkii hore Somaliland ku filisey lix qof.

"iminka waxan u xiranahay maxkamadda gobolka...waxaa la ii xirey dadkii la diley ayaan ka hadley...wax xun ma oran laakiin waxan sheegay inay haboon tahay in laga fiirsado" ayuu yiri.

Xarigga Guddoomiyaha  Hay'adda Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa kusoo aadaya maalmo ka kadib markii Somaliland xukun qisaas ah ku fulisey lix qof oo horay dil loogu xukumey.

Tallaabdaas waxaa si kulul u cambaareeyey Midowga Yurub oo ku tilmaamey arrin lagu deg degey xad gudubna ku ah xuquuqda aadanaha. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM