Guddoonka Barlamanka oo laaley moooshinkii Xasan Shiikh [ Akhri]

Image

Sept 26,2015 (GO)- Gudoonka Barlamanka dowlada federaalka Somalia ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegey in la afjarey jiritaankii moshinka ka dhanka ahaa madaxweyne Xasan Shiikh 12/08/2015  islamarkaana loo gudbey marxalada wadahadal.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in la hubiyey inuu jiro tuhun khiyaano qaran ee xeerka ciqaabta qodobkiisa 184 inuu madaxweynaha dowlada fedraalka ah lagu soo eedeeyey sidaas darteed looga gudbi doono wadahadal cabashooyinka jira,

Gudoonka ayaa qoraalkaan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ku sheegey in 7 october,2015 la isugu imaan doono kulan balaaran oo ay kasoo qayb gali doonaan madaxweynaha dowlada federaalka, Ra'isal wasaaraha iyo xildhibanada soo gudbiyey mooshinka, waxaana uu ugu baaqeen in kasoo qayb galaan dhinacyadaasu.

Xildhibaanada mooshinkaan soo gudbiyey weli kama aysan hadlin qoraalkaan kasoo baxey gudoonka Barlamanka dowlada Fedraalka ah.

 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM