Guddoonka Barlamanka oo shaaciyey xiliga laga doodayo mooshinka

Image

November 29,2014 [GO]- Go'aan kasoo baxey guddonka Barlamanka dowlada Federaalka Somalia ayaa shaaciyey waqtiga la guda galayo ka doodista mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xildhibaanada.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in Dec 2,2014 oo ku beegan maalinta Talaadada la furi doono ka doodista mooshinka halka la filayo inuu soo dhamaado maalinimada Sabtida 6 Dec,2014.

Guddoonka Barlamanka dowlada Federaalka ayaa qoraalkaan ku shegeey in la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey Xildhibanaada islamarkaasna u mahad celiyey Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isla wasaaraha sidii loo dajin la lahaa xiisadaan.

Warsidaha Garowe online oo qoraalkaan soo gaarey halkan ka akhriso " Go'aanka Guddonka Barlamanka Somalia"

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM