Guddoonka Barlamanka dowlada Somaliland oo hishiiyay

Image

27 September, 2015(GO)-Guddoonka sare ee Barlamanka Somaliland ayaa hishiis iskood ah ku dhexgaaray xarunta golaha wakiillada Somaliland ka hor fasaxii ciidda.

Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa hishiiska ka dib dalbaday in la cafiyo, iyagoo raali galin ka codsaday Xildhibaanada iyo shacabka Somaliland.

Labada Gudoomiye ayaa ku dagaalamay 12 September, 2015 kalfadhi u socday Xildhibaanada maamulkaasi xilli ay ka doodayeen mooshin laga keenay haamaha shidaalka Somaliland.

Talaabada ay ku dirireen islamarkaana ku heshiiyeen Barlamanka Somaliland ayaa dadka siyaasada indha-indheeye ku fasireen iney tahay  biseyl siyaasdeed ay hay'adaha dowliga ah ka gaareen sidii u xalin lahaayeen khilaaf soo kala dhexgala halka isku-qabashada danta guud hagaajineyso la xisaabtanka xukuumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM