Gudi lagu muransan yahay oo doorasho ku qabanaya Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho ka billowday diiwaangelinta dadweynaha codkooda ka dhiiban doono doorashadda Gollaha deegaanka ee bisha June, taasoo la filayo inay noqoto midii ugu horeysay oo magaaladda ka dhacda in ka badan 55 sano kadib.

Gudiga doorashadda lagu muransan yahay ayaa qabanaya codbixinta dadweyne, iyadoo laga billaabay diiwaangelinta degmada ugu da'da wayn degmooyinka gobolka Banaadir, oo hadda gaaraya 20, kuwaasoo dadka ku nool marka la isku daro lagu qiyaaso 3 milyan.

Dadka ayaa la sheegay inay ka baqayaan Al-Shabaab hadii ay codeeyaan, sidaas darteedna ay u diidayaan inay isku diiwaangeliyaan, iyagoo xasuusta in Odayaashii Ergada doorashadii Xildhibaanada qaar kamid ah lagu dilay Muqdisho iyo deegaano kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka ka guuri doono nidaamka qabiilka ee 4.5, una guuri doono doorasho qof iyo cod ah, taasoo inay dhacayo 2026 shaki badan laga qabo, marka la eego xaalada amni, khatarta Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Soomaaliya ayaa kusoo dhaqmaysay tan iyo 2000 nidaam doorasho oo aan dimuqraadi ahayn, kaasoo Xildhibaanada lagu soo xulo awood qeybsiga afar beelood iyo bar, iyadoo kadibna Baarlamaanka doorto Madaxweyne. Tani waxay noqotay mid ay cadaalad iyo sinaan ay ku waayeen qabiilo dhowr ah, oo lagu dulimiyay nidamka doorasho.

Maamullada dalka ayaa qaar kamid ah diiday qaabka lagu dhisay gudiga doorashadda qabanayo, maadaama uu Madaxweynaha magacaabey, taasoo keeni karta natiijooyinka inay noqdaan kuwa xisbigiisa u hiilaya, oo ku shubasho dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM