​Gudiga Doorashada oo diiday Xildhibaano lagu doortay Jowhar

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Somalia (GFHDD), ayaa diiday Natiijada Doorasho Shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Doorashada oo ahayd Labo Kursi oo leeyihiin Beelaha Abokar iyo Aqoonyare oo katirsan Harti-Abgaal, ayaa waxaa kusoo baxay Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Somalia Cabdullaahi Macallin Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abukar Islow (Ducaale).

Guddiga ayaa War Saxaafadeed uu soo saarey ku sheegay in go'aankooda uu ka dambeeyay markii ay arkeen in Doorashada Kuraasta Saddexda ah ee Beelaha Abokar iyo Aqoonyare aysan kasoo muuqan qof dumar ah, taasina ay jebinayso Heshiiska Doorashooyinka Qoodada Haweenka (30%).

Warqad loo diray Gudiga Hergelinta Doorashada Heer Gobolka ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wargeliyay in Kuraastii lagu doortay Shalay aysan uusan ahayn kuwa sharci ah, sidaasi darteedana waxba kama jiraan yihiin Guusha Doorashada Xildhinaabada Cabdullaahi Macallin Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abukar Islow (Ducaale).

Waa Go'aankii ugu horeeyay oo Gudiga Doorashada si cad ugu diidaan Natiijo Doorasho oo ka dhacday dalka, waxaana laga war sugayaa Jawaabta Gudiga Doorashada Hir-Shabeelle ka bixin doono War Saxaafadeedka  (GFHDD).

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM