Gudoomiyaha Barlamanka Jabuuti oo yimid Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo Khamiis ah soo gaarey magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka.

Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno kale, iyadoo loo galbiyay dhanka xarunta Villa Hargeysa oo ay degenaan doonnaan inta ay ku sugan yihiin magaalada.

Jawaari ayaa sheegay in dhigiisa Jabuuti uu kala qeybgali doono Kulanka Gollaha Shacabka ee maalinta sabtida, islamarkaana ay kawada hadli doonaan xiriirka labada Baarlamaanka iyo sidii loo xoojin lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu kulmo la qaato madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM