Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo gaaray Bosaso

Image

29 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa gaaray magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka gobolka, kan degmada iyo mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa ku soo dhaweeyay xarunta ganacsiga Puntland.

Safarka Gudoomiyaha ayaa loo badaniyaa inuu yahay ka qayb galka doorashada guddoonka golaha deegaanka degmada Bosaso oo dhici doonta maalmaha soo socda.

Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ku sugan Bosaso oo ay ka socoto loollanka loogu jiro doorasha Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha deegaanka degmada.

Shire ayaa dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka oo ay ku suganyihiin Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM