Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo diray hambalyada sannadka cusub ee Hijriyada
14 Octobar, 2015(GO)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray shacabka Somaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta caalamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka.
“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan uga diro shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan umadda Islaamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka waxaa inoo dhashay sanad cusub oo ah 1437 Hijria waa bilowga sanad cusub ee tirsiga taariikhda islaamka marka saa daraadeed waxaan idiin leeyahay hambalyo,Hambalyo,Hambalyo” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Dhinaca kale Jawaari ayaa ka hadlay isbadalka dhacay sannadkan dhammaaday.
“sanadka dhammaaday ee 1436 waxey umadda Soomaaliyeed soo mareen marxalado kala gedisan laakiin waxaan hubaa in sanadkii hore hormarradii jiray in ka badan in la sameeyey waxaana waajib nagu wada ah inaan Alle uga mahad celinno taas"Ayuu Jawaari hadalkiisa ku daray.
GAROWEONLINE