Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo la weeraray

Image

01 October, 2015(GO)-Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday guriga uu daganyahay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,Maxamed Cabdulle Fiidow.

Weerarka oo muddo kooban socday, waxaa ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha.

Fiidoow oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa caddeeyay in weerarku dhacay, balse ay iska caabiyeen kooxda oo uu sheegay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Waa markii ugu horaysay fal noocan oo kale ah lala eegto Mas'uulka degmada Jalalaqsi, waxayna ku soo aadaysa xill dhawaan ammaanka gacanta loo galiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda dalka Jabuuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM