Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday
26 Octobar, 2016(GO)-Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xilkii laga qaaday, sida uu xaqiijiyey afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys.
Sida uu sheegay afhayeenka, waxaa madaxweyne Xaan Sheekh uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Illaa iyo hadda lama sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha, mana jiraan wax faahfaahinno dheeri ah oo arrintan ku saabsan.
Xigasho: VOA