​Gudoomiyaha Gudiga Doorashada, Michael Keating Taliyaal ciidan oo gaarey Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa Maanta magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle gaarey Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Somalia Abukaate Cumar Cabdulle (Dhagey), Taliyaasha Nabad Suggida iyo Booliska.

Sidoo kale waxaa Jowhar gaarey Ergayga QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, oo isna u tagey magaaladaasi inuu qeyb ka noqdo xal u raadinta Is-mariwaaga ka taagan Doorashada Aqalka hoose.

Wafdiga gaarey Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay kulamo la leeyihiin Guddiga Amniga Doorashada, Saraakiisha ciidanka iyo maamulka Hir-Shabeelle, waxaana isku dayayaan inay xalliyaan Khilaafaadka jira.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumadda waqtigeedu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaa shaqaaqo ka sameeyay Hoolka Doorashada Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay, taasi oo keentay in dib loo dhigo Doorashada Aqalka hoose.

Maalinta Arbacada ee soo socoto ayaa la filayaa inay dib u furanto Doorashada, iyadoo amniga lagu wareejinayo ciidamo ka socdo AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM