Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika oo booqasho ku tagey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Guddoomiyaha oo booqasho shaqo ku yimid dalka ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya.

Guddomiyaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM