Gudoomiyaha UCID oo taageeray dad aragti ka dhiibtay Muqdishu

Image

25 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa taageeray aragti ay dhiibteen dad ka soo jeeda maamulkaasi oo ku nool magalada Muqdishu, taasi oo ku saabsanayd doorashada dalka Somalia ka dhacaysa 2016.

Faysal, ayaa xusay in dadkaasi xaq u leeyihiin dhiibashada aragtidooda, balse micne ahaan aysan ahayn in la isku daray Somalia iyo Somaliland.

“Dadka jooga Xamar asal ahaan wey kasoo jeedaan Somaliland, xaq bay u leeyihiin inay tagaan, xaq bay u leeyihiin inay dhahaan hadii wax la qeybinayo halagu qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi, waan ku boorineynaa hadii ay iska diideen qabiilkii iyo maamulkii, laakiin Somalilnd iyo Somaaliya wada hadalkooda waa caalami, waxaana gacanta ku haya caalamka, laakiinse nimankaan Xamar ku shiray waa muwaadiniin reer Somaliland ah, xaqna wey u leeyihiin inay aragtidooda dhiibtaan waana bogaadineynaa” Sidaasi, waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdishu, ayaa cadeeyay in dadkaasi aysan matalin shacabka Somaliland, laakiin xaq u leeyihiin aragtidooda.

"Ra’yi waa la dhiibtaa ceebna ma ahan, micnaheedu ma ahan dalalkii baa la’isku daray, idinka baa ka dhigay wax weyn, laakiin waa dad Soomaali ah oo muujinaya ra’yigooda” Ayuu yiri Waraabe.

Arrintan waxay salka ku haysaa shir dhawaan lagu qabtay Xamar kaaso ka qayb galeen xubno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ka arrimiyo maamulka Somaliland oo horay u sheegay inay Somalia inteeda kale ka go'een.

Hadalka Faysal ayaa imaanay xilli wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliand uu cadeeyay inaysan ka qayb galayn doorashada Somalia ka dhici doonta 2016, isla markaana ku gacan sayray shir loo qaban lahaa waxgarad matalaya maamulka Somaliland iyo dowaladda Somalia, kaasi oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM