Gudoomiyihii degmadda Wanlaweyn oo xabsi loo taxaabay

Image

WANLWEYN, Koonfur Galbeed – Gudoomiyihii degmadda Wanlaweyn, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, ayaa la xiray, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa lagu waramay in ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ay kala baxeen hoygiisa si su'aallo looga waydiiyo eedeymo loo jeediyey.

Wararka ayaa tilmaamaya in arrimaha wax laga waydiinayo ay kamid tahay hadalo uu ku sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta intii ay socdeen dagaal beeleedyadda khasaaraha sababay.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in lala xiray gudoomiye ku xigeenkiisa dhanka qorsheynta, Nuur Aadan [Nuur Baadiyow].

Dhanka kale, war qoraal ah oo isla maanta kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Najax, waxaa shaqo joojin lagu sameeyay labada mas'uul.

"Go'aankaan ayaa ka dambeeyay markii latashiyo lala yeeshay odayaasha dhaqanka si nabad waarta loo gaaro," ayaa lagu yiri qoraalka.

Isla digreetadda, waxaa si ku meelgaar ah gudoomiyaha Wanlaweyn loogu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar [Koosta].

Geesta kale, guddiga dowlada iyo maamulka u saarey qaboojinta xiisada ayaa sheegay in ay xal ka gaareen badi qodobadii ay dhinacyadda isku hayeen, waxayna ka digeen dhacdooyin kale.

Ciidamadda dowladda ayay sheegeen in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonan cid kasta oo ku lug-yeelata colaad beeleedyo kale.

Colaad-beeledyadda laga soo wariyey degmadan hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa galaaftay nolosha ku dhowaad 20 qof oo u badan shacab; waxaa sidoo kale jira barakac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM