Gudoomiyihii rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo "lasii daayey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa "in ay sii deysay" Axmed Cabdullaahi Xasan, gudoomiyihii rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Sii deynta Xasan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii soo gabagaboobeen baaritaano horudhac ah oo muddo ku socday.

Wararka ayaa tibaaxaya in Xasan lagu sii daayey "damiin adag iyo shuruud ah in todobaadkii maalin uu tago xarunta hay'adda si hubin loogu sameeyo dhaqdhaqaaqiisa guud ahaan".

Bishii Janaayo 23-deeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xirtay Axmed iyo ku xigeenkiisa oo isana magaciisa lagu sheegay Axmed Jimcaale.

Labadooda ayaa lala xiriiriyey Al-Shabaab si gaar ah in magacaabidooda xilalkaas ay ku lug-yeelatay kooxdaas.

Axmed Jimcaale ayaa lagu waramay "in lasii daayey" 25-kii Janaayo, 2020, laba maalin kadib qabashadiisa.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa 25-kii Janaayo, 2020 waxay kala dirtay maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, waxayna shaacisay in lasoo magacaabi doono xubno cusub.

Maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa lacago baad ah waxay ka qaadaa ganacsatadda ku dhaqan caasimadda, dhaqaalahaas oo la tilmaamay in ay weerarada ku fuliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM