Gudoomiyihii rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo "lasii daayey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa "in ay sii deysay" Axmed Cabdullaahi Xasan, gudoomiyihii rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Sii deynta Xasan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii soo gabagaboobeen baaritaano horudhac ah oo muddo ku socday.

Wararka ayaa tibaaxaya in Xasan lagu sii daayey "damiin adag iyo shuruud ah in todobaadkii maalin uu tago xarunta hay'adda si hubin loogu sameeyo dhaqdhaqaaqiisa guud ahaan".

Bishii Janaayo 23-deeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xirtay Axmed iyo ku xigeenkiisa oo isana magaciisa lagu sheegay Axmed Jimcaale.

Labadooda ayaa lala xiriiriyey Al-Shabaab si gaar ah in magacaabidooda xilalkaas ay ku lug-yeelatay kooxdaas.

Axmed Jimcaale ayaa lagu waramay "in lasii daayey" 25-kii Janaayo, 2020, laba maalin kadib qabashadiisa.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa 25-kii Janaayo, 2020 waxay kala dirtay maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, waxayna shaacisay in lasoo magacaabi doono xubno cusub.

Maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa lacago baad ah waxay ka qaadaa ganacsatadda ku dhaqan caasimadda, dhaqaalahaas oo la tilmaamay in ay weerarada ku fuliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM