Guluf ka dhan ah fariisinka ugu weyn Al-Shabaab oo la abaabulayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Mas'uuliyiinta maamulka Jubaland ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan in ay ku xoreeyaan gobolka Jubada Dhexe, fariisinka ugu weyn ee Al-Shabaab.

Aadan Ibraahim Maxamuud, taliyaha ciidamada Jubaland, ayaa shaaca ka qaadey in ay isku dabaridayaan ciidamo fara badan, kuwaasoo duulaan saf-balaaran ah ku ekeyn doona gobolkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayuu carabka ku dhuftay in uu rajo fiican ka qabo in ay guul kasoo hooyaan howlgalada oo qorshuhu yahay in loo bilaabo sidda ugu dhaqsiyaha badan.

"Dadka degaankaas ku sugan waxaan ugu baaqeynaa in aan u soo socono oo aan ka dulqaadi doono dhibaatada argagixisadda," ayuu Maxamuud u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Howlgalka ayaa si lamid ah waxaa qorshuhu yahay in lagu xorreeyo degmooyinka Jamaame iyo Xagar.

"Madaxweynuhu wuxuu kalsooni buuxda ka qabaa in ciidamadda geesiyaasha ay ku guuleysan doonan, waxaana uu nagula dardaarmay in aan sii wado baacsiga argagixisada," ayuu raaciyey.

Jubada Dhexe waa gobol muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab maadaama la aaminsan yahay in ku dhuumaaleystaan hogaamiyeyaasha xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Caasimada Jubaland ee Bu'aalle ayaa sidoo kale ku taala, halkaasoo la rumeysan yahay in ay tahay halka laga soo maleego ama lagu soo tababaro xubnaha qaraxyada ka fuliya magaalooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM