Guri ay leeyihiin qoyska Xildhibaan ka tirsan DF oo ku dumay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhisme ka kooban saddex dabaq oo ay leeyihiin qoyska mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa ku dumay degmada Xamarwayne ee Muqdisho.

Daartaan ayaa kamid ah guriyaha qadiimiga ah ee ku yaala aagaas. Balse, illaa hadda, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay burburka. Howlgalo lagu badbaadinayo dadka ku jiray guriga ayaa socda.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhowr qof laga soo badbaadiyey guriga, tirro kelana ay ku hoos jiraan.

Guriga dumay ayaa ku yaala nawaaxiga xarunta degmadda. Sidoo kale, wuxuu ka dhow-yahay Muqdisho Mall iyo Masjidka Marwaas.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tegay goobta ay wax ka dhaceen ayaa ka gaabsaday fahfaahinta khasaaraha.

"Waa musiibo. Guriga halmar ayuu isku dumay. Gaadiidka gurmadka deg-deg ah waxay goobta ka daad-gureeyeen dad badan oo dhaawacyo iyo jabniin ah," ayuu yiri Mukhtaar Nuur, goobjooge la hadlay GO.

Dhismeyaasha ku yaala degmadda Xamarwayne ayaa intooda badan ah kuwa muddo dhisnaa, mana helin wax dayactir ah, waana sababta keentay in ay qaarkood dumaan. Burburkan ma ahan kii ugu horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM