Guterres oo guddi u saarey qorshe ka dhan ah AMISOM

Image

WASHINGTON, US – Qaramada Midoobay ayaa daaha gedaashiisa uga diyaarineysa qorshe jiho cusub lagu gelinayo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, sidda ay muujinayaan warbixino ka imaanaya illo diblumaasiyadeed.

Howlgalkan in ka badan tobban sano jira ayaa wajahaya hubanti la’aan dhanka mustaqbalka ah xilli xasiloonida Soomaaliya aysan wali dib u soo laaban.

Xoghayaha guud ee UN-ka, António Guterres, ayaa la sheegay in bishii August, 2020 uu koox gaar ah u xil-saarey qiimeynta wax-qabadka AMISOM ayna wehliso in ay mid isku soo raacaan saddex qorshe oo ku jirta warbixin loo gudbiyey.

Sidda laga soo xitay warbixinada, qoreyaasha warbixinta ayaa soo jeediyey in AMISOM lagu bedelo howlgal ay Qaramada Midoobay maamusho taas oo xaqiijineysa dhaqaalaha iyo xasiloonida dhanka hogaaminta ah.

Dalalka ciidamadda ku deeqay ayaa horey u codsaday in Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay la wareegto mas'uuliyadda guud ee maalgelinta howlgalka iyadda oo loo marinayo Golaha Ammaanka oo mas'uul ka ah amniga guud ahaan dunida.

Qorshaha labaad ee qorsheyaasha soo gudbiyaan ayaa ah in howlgalka AMISOM lagu bedelo mid isku-dhaf ah oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ah, halka soojeedinta saddexaad ay tahay in dalalka Afrika oo dhan laga dhigo.

Soojeedinta saddexaad waxay u muuqaneysaa mid laga soo amaahanayo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Qaacida ka howlgasha waddanka Mali.

"Midowga Afrika ayaan wax door ah ku lahayn dhamaan soo jeedintan, waxaana ay u badan tahay in uu ka hor-imaan doono la-shaqeynta kooxda xaqiiqo raadinta ee António Guterres," ayay xusayaan warbixinada dhanka diblumaasiyadda.

Dhaliisha ugu xoogan ee AMISOM wajahayso waa in aysan wali ka guuleysan Al-Shabaab iyaga oo waddanka ku sugan in ka badan tobban sano, waxaana qorshaha António Guterres uu u muuqdaa mid taageerayo ka helaya Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM