Guterres oo mas'uul cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii ku dhawaaqay magacaabista Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah taasoo noqoneysa ku xigeenkiisa cusub ee wakiilka gaarka ah ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gbeho waxay bedeleysaa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya.

"Xoghayaha guud wuxuu Zenenga uga mahadcelinayaa sida hufnaanta leh ee uu uga qeyb qaatay howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Marwo Gbeho waxay haysataa in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta arrimaha istaraatiijiyadda, isku dubaridka iyo maaraynta arimaha siyaasada, horumarka iyo arimaha bini'aadanimada ee xarumaha Qaramada Midoobay ee guud ahaan caalamka.

Dalalka ay kasoo shaqeysay waxaa kamid ah; Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

Shaqooyinka ay wadamadan kasoo qabatay waxaa kamid ah isku-dabaridka arrimaha bini'aadanimada iyo qorsheynta howlaha gargaarka.

"Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee Namibia Waxay sidoo kale ka soo noqotay madaxa qeybta ee Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada ee New York iyo madaxa xafiiska OCHA ee Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan," ayaa la raaciyey bayaanka.

Gbeho ayaa bachelor-ka ka diyaarisay cilmiga bulshada iyo daraasaadka Afrika, waxayna ka qalin-jabisay Jaamacadda Gobolka ee New York. Sidoo kale, shahaadada mastarka waxay ka diyaarisay xiriirka caalamiga iyadda oo ka baratay Jaamacadda waddankeeda hooyo ee Ghana.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM