Guterres oo shaaciyey aragtidiisa raaligelintii Farmaajo ee Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa wuxuu bogaadiyey raaligelintii madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey Somaliland bishii Febraayo, 2020.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cudurkaas bixiyey markii hogaamiyaha maamulka Hargeysa, Muuse Biixi Cabdi ay ku kulmeen xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo is-aragga agaasimay.

Sidda ku xusan khudbad lagu waddo in uu u jeediyey Golaha Ammaanka taas oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, xoghaye Antonio Guterres ayaa is-araggaas ku tilmaamay "talaabo wanaagsan".

Si lamid ah, cudurdaarka Farmaajo bixiyey ayuu ku qeexay "daacadnimo cad" oo lagu soo gabagabeyn karo xiisadda Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland oo kamida kuwa qadiimisan dunida.

"Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Farmaajo raaligelinta furan ee uu ku qiray xadgudubyadda bini'aadanimo uu ku kacay taliskii Siyaad Barre, iyo gudoomida madaxweyne Biixi ee dhambaalkaas," ayaa lagu yiri hadal-jeedinta la filayo in uu sameeyo xoghayaha guud ee UN-ka.

Guterres oo hadalkiisa sii wata ayaa ku booriyey hogaamiyeyaasha labadda daraf in ay la yimaadaan qorsheyaal lagu soo afjarayo kala shakiga Muqdisho iyo Hargeysa si wadahadalada dib loogu furo.

"Waxaan ugu baaqayaa hogaamiyeyaasha in ay dhisaan dhabahaan si ay u horumariyaan xiriirka iyo horumarka ku wajahan in dib loo bilaabo wadahalada," ayuu yiri Guterres oo uu Soomaaliya ku metelo James Swan oo ah diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Mareykanka.

Dhanka kale, madaxa guud ee ururka Qaramada Midoobay ayaa ammaanay naf-hurnimadda ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee AMSOM ee ku wajahan sidii ay xasiloonida Soomaaliya ku xoojin lahaayeen.

Ugu dambeyntii, wuxuu cambaareeyay weeraradda ay Al-Shabaab ku beegsato fariisimaha UN-ka ee Muqdisho iyo ciidamadda huwanta ah.

Al-Shabaab ayaa loo aqoonsaday khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya, waxaana socda dedaalo caalami ah oo la doonayo siddii loosoo afmeeri lahaa joogitaanka iyo halistooda amniga Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM