Guudlaawe iyo danjiraha Mareykanka oo kawada hadlay doorashada

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay qadka talefonka kula hadalay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga dalka Soomaaliya Larry Andre.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Cali Guudlaawe laguna daabacay ciwaanka Madaxtooyadda ee Facebook-ga, madaxweynaha iyo danjiraha ayaa kulankooda ahaa mid isbarasho ah.

"Waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Guudlaawe ayaa, sida ku xusan bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu faahfaahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka.

"Dhanka kale Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Wadahadalka Guudlaawe iyo Andre ayaa kusoo beegmay iyadda oo Khamiistii shalay ay Muqdisho ku kulmeen diblumaasiga Ameerikaanka iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalo ay labada dhinac kasoo saareen is-araggaas waxay ku caddeeyeen in ay isku mowqif ka yihiin in aan la aqbali karin dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM