Guudlaawe oo amar kasoo saarey amniga Beledwayne

Image
Image
Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii uu kulan la yeeshay taliyeyaal ciidan.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Amniga Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, waxaa joogay Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Taliska Qeybta Gobolka.

Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa qayb ka ahaa.

Dhamaan dhinacyadan ayaa lagu waramay in ay Madaxweynaha la wadaageen warbixinta xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa faray saraakiisha Hay'addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada  Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM