Guudlaawe oo soo saarey amar la xiriira amniga doorashada

Image
Image
Image
Go'aankan ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa magaalooyinka Beledwayne iyo Jowhar.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shir gudoomiyay kulanka Amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta iyo Taliyaha Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxaa kasoo muuqdey Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Guudlaawe ayaa ayaa faray saraakiisha hay'addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa laba maalmood kahor wuxuu dib ugu laabtey Jowhar kadib markii uu maalmo badan ku qaatay caasimada Muqdisho isaga oo ka qeybgalay shirka doorashada.

"Dhowaan waxaan bilaabi doonaa doorashada Golaha Shacabka waxaana rajeynayaa in Alle guul noogu dhameeyo," ayuu Facebook-ga ku daabacay kadib markii uu tagay Jowhar.

Heshiiskii 9-kii Janaayo ee 2022-da ayaa xeerinaya in coddeynta lagu soo gabagabeeyo muddo 41 casho ah iyadda oo ay hareeyeen digniino ka yimid caalamka oo ahaa in aan la dhaafin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM