Guuleed oo la caleemo saarey, beesha caalamka oo diidey labo gobol
JULy 24, 2015 (GO)- Munaasabad lagu caleemo saarayo madaxwyanaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa maalintii shaley July 23,2015 waxaa kasoo qayb galay madaxdaxda dowlada Federaalka, Barlamaanka Federalka, siyaasiyiin, xubno ka socday Qaramada midoobey iyo beesha caalamka.
Danjiraha Qarmada Midooobey u qaabilsan Somaliya Nicholas Key oo madasha caleemo saarka ka hadley ayaa sheegay in uu aqoonsan yahay heshiiskii magaalo madaxda Garowe ku dhexmaray Ra'isal wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Puntland kaasi oo dhigayey in maamulka Galmudug ka koobnaan doono Galguduud iyo Konfurta Mudug. Nicholas Key ayaa xusey in laga soo bilaabo sanadkii 1993-dii dadka Galmudug iyo Puntland si nabad ah Gaalkacyo ugu wada noolayeen uuna doonayo in ay sidoodii nabad ugu wada deganaadan.
Safiirka Midowga Yurub u qabailsan arrimaha Somalia Michele Chervone oo ka hadlay munaasabada caleemo saarka ayaa sidoo kale tilmaamey AHN Cabdulahi Yusuf iyo Maxamed Farax Caydiid horey u xaliyeen arinta Puntland iyo Galmudug isku hayaan uuna filayo in madaxwaynayasha labada maamul raci doonaan wadadaas.
Xildhiban Cali Khaliif Galayr oo ka mid ahaa dadkii caleema saarkaan lagu cusumay ayaa dowlada Federalka ah ku eedeyey iney ka shaqaynayso kala goynta Somaliya waxaana uu tilmamaey in aqoonsiga maamulka khaatumo muhiim u yahay midnimada dalka.
Madaxwyanaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed oo khudbad dheer oo tabanaysa dhinacyo badan jeediyey ayaa sheegay inuu diirada saari doono adkaynta nabad galyada wada hadalna la gali doono ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca, isagoo carabaabey inuu ka shaqayn doono abuurida dhaqaale maamulkasi yeesho iyo xoojinta ganacsiga. Mud.Cabdikariin oo ka hadlayey maamulada dariska ah sida Puntland ayaa xusey inuu doonayo in wada hadal ku xalinayo wax walba oo ka dhaxeeya islamarkaana daris wanaag iyo nabadna kula noolaan doonaan maamuladaas.
Madaxwyanaha dowlada Somaliya Xasan Shiikh Maxamud oo gabagabada munaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay dalka ka soo dhamaadeen dagaaladii sokeeye iyadoo codowga kaliya ee lala dagaalamayo uu yahay ururka Al-shabaab, waxaa uu mahad u celiyey ciidamada nabad ilaalinta AMISOM kuwasoo sheegay in ay door muhiim ah ka qateen xasilinta dalka.
Mar uu ka hadlayey midnimada dalka iyo meesha uu marayo dhismaha maamul goboleedyadu ayuu sheegay in dowladnimada Cadaado ku imaan xoog iyo dagaal, Hargeysana rabitaankooda ku soo laaban doonto. Xasan Shiikh oo fariin u diraya mamaulka Puntland ayaa ugu baaqey in aan siyaasada la qabyaaladeyn waxii tabasho jirana wada hadal lagu xaliyo.
Ugu dambayntii Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa maamulada iyo shacabka Somaliyeed ka codsaday ina dowlada kala shaqeeyaan sidii doorasho hufan u dhici lahayd 2016.
GAROWEONLINE