Guuleed oo wareegto ku joojiyay shaqadii hay'adaha Galmudug
CADADO, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa soo saaray wareegto uu ku hakinayo shaqada maamulkiisa.
Guuleed ayaa sheegay in tallaabadaas u sameeyay qaabkii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada labada Aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.
Wuxuu ka codsada golaha Fulinta, Sharci dajinta iyo hay'adaha kale ee Galmudug inay u hogaansamaan amarkan oo dhaqan galay maanta.
Tallaabadan ayaa Guuleed Ku dhaqaaqay xilli walaac laga qabo doorashada Somalia oo muddo kordhin kale lagu sameeyay.
GAROWEONLINE