Guulo laga sheegtay weeraro lagu ekeeyay ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyasha Al-Shabaab ayaa waxay guulo ka sheegateen weeraro ay la beegsatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas hubeysan, weerarada ayaa waxay isugu jiraan qarax Miino iyo madaafiic.

Qaraxa ayaa shalay galab ka dhacay inta u dhaxeysa degaanadda Janaale iyo Buufow xili ciidamaddu ay howlgalo wadeen. Todoba askari ayaa ku dhintay weerarada.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in madaafiic ay ku waarareen saldhig ay ciidamo huwan ah ku leeyihiin Janaale ay ku gubeen keydka hubka ciidamadda iyo goobo kale.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka taliska.

Janaale waa degaankii ugu dambeeyay ee ka tirsan Shabeellaha Hoose oo sanado badan kadib ay la wareegto Dowladda Soomaaliya.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay qarka u saaran tahay in ay lumiso guud ahaan gobolka oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleystaan horjoogeyaasha ururka oo ay ku jiraan sarakaiisha ajaaniibta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM