Guulo laga sheegtay weeraro lagu ekeeyay ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyasha Al-Shabaab ayaa waxay guulo ka sheegateen weeraro ay la beegsatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas hubeysan, weerarada ayaa waxay isugu jiraan qarax Miino iyo madaafiic.

Qaraxa ayaa shalay galab ka dhacay inta u dhaxeysa degaanadda Janaale iyo Buufow xili ciidamaddu ay howlgalo wadeen. Todoba askari ayaa ku dhintay weerarada.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in madaafiic ay ku waarareen saldhig ay ciidamo huwan ah ku leeyihiin Janaale ay ku gubeen keydka hubka ciidamadda iyo goobo kale.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka taliska.

Janaale waa degaankii ugu dambeeyay ee ka tirsan Shabeellaha Hoose oo sanado badan kadib ay la wareegto Dowladda Soomaaliya.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay qarka u saaran tahay in ay lumiso guud ahaan gobolka oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleystaan horjoogeyaasha ururka oo ay ku jiraan sarakaiisha ajaaniibta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM