Haamaha Berbera oo shirkado la siiyay

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.

Xigasho: BBC

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM