Haaruun Macruuf: NISA oo "gudbisay" dacwad ka dhan ah wariyaha VOA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay dacwad ka gudbisay wariyaha laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, Haaruun Macruuf.

Sidda laga soo xigtay qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee hay'adda NISA ay ku leedahay mareegaha Twitter-ka, gal-dacwadeedka waxaa loo gacan-geliyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

"NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii NISA ay shaacisay in ay dacweyneyso saxafiga fadhigiisu yahay magaaladda Washington.

"NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka," ayaa xilligaas lagu soo daabacay isla bogga Twitter-ka ee hay'adda.

Tan iyo waqtigaas, Haaruun ayaa nan jawaab ka bixin eedeynta iyo hanjabadaadda NISA, wuxuuse helay taageero badan oo kaga timid wariyeyaal iyo siyaasiyiin.

Dowladda Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay cabsi-gelin iyo caburin joogta ah ay ku hayso wariyaal tan iyo markii xafiiska ay timid. Tani waxay qasabtay in qaar kamid ah saxafiyiinta Muqdisho ay dibadda u cararaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM