Hadalo gef ku ah Soomaaliya uuna Trump ka yiri shir gaar ah oo la dusiyey

Image

WASHINGTON, US – Buug ciwaan looga dhigay "Dagaalka Xuduudaha" oo dhowaan soo baxay ayaa sharaxaad buuxda wuxuu ka bixiyey aragtida uu Donald Trump ka qabo Soomaalida gaar ahaan Qaxootiga.

Trump ayaa bilooyinkii ugu horeeyay ee uu xafiiska jooga waxa uu waydiiyey Sii haayaha wasiirkiisii arrimaha gudaha, Elaine Duke, sababta uusan u mamnuucin qaxootiga ka yimaada "Soomaaliyada foosha xun".

Sidda laga soo xigtay Buuga, Trump ayaa rumeysan in soo galootiga Soomaalida ay khatar ku yihiin ammaanka Mareykanka. Trump wuxuu xayiraad socdaalka ah saarey dalal ay Soomaaliya ku jirto.

"Marka laga hadlayo arrimaha qaxootiga, labadooda isaga iyo [Stephen] Miller waxay u muuqdeen kuwa si gaar ah u neceb dalka iyo dadka Soomaaliya," ayuu sheegayaa Buuga oo aad loo iibsaday.

Buuga oo aanan wali si rasmi ah u soo bixin ayaa waxaa la filayaa in dhowaan suuqa la geliyo uuna yeesho saameyn aad u buuran. Nuqulo kamid ah ayaase la dusiyey.

Bishii October 2017-kii, Duke ayaa diiday taladda Trump ee ah in 11 dal gaar ahaan Soomaaliya ay khatar weyn yihiin muhaajiriinta ka timaada. Qorshehaas ayaase dhaqan galay September 2018-kii.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa nan wali ka jawaabin eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha waddankaas, Trump, kuwaasoo ku jira Buugan macluumaadka qarxiyey.

Maamulka uu majaraha u hayo Trump ayaa aad loogu dhaleeceeyaa siyaasadiisa ad-adag ee ka dhanka ah soo galootiga oo inta badan ah bulshadda Ameerika.

Tan iyo markii uu xukuumaddan cusub ay timid, hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qaabilaada Qaxootiga ee Mareykanka. Sanadkan 2019-ka, waxaa lagu qiyaasayaa 30-kun, waxaase la filayaa in ay kasii kororto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM